Qarax lagu qaaday gaari Saad u siday ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha dagaalka oo sababay Qasaare dhimasho iyo dhaawacyo.
24,Ra/Awal1432, 27,Feb,2011.
Ciidamada lala beegsaday qaraxa ayaa la sheegay in ay wateen gaari Homeey ah oo xiligaas rooti u waday ciidanka dowlada ee kusugan mid kamida difaacyada dagaalka ee magaalada muqdisho.
Qasaara xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa kasoo gaaray ciidamada gaariga la socday oo la tilmaamay in ay ahaayeen kuwa melataarka,waxaana qaar kamida dadka degaanka oo la hadlay war baahint ay shegeen ay ar kayeen ciidamo laga soo bixinaayo gaariga dhaxdiisa kuwaasi oo isugu jiray maydad iyo dhaawacyo.
Dadka ayaa intaas kusii daraya in goobta ay soo gareen ciidamo kale isla markaan ay goobtii qaraxu uu ka dhcay ay dadka ka kala eryeen isla markaana ay jideen gaarigii qaraxa lala beegsaday.
Xaalada ayaa xiligaan u muuqata mid dagan waloow suura gal ay tahay in ciidanka dowlada ay howl galo halkaasi kaasi kasameyaan madaama xili sidaan oo u dhim usoo gaaro ciidanka dowlada ay baaritaano ku sameyaan xaafada ka ag dhow goobaha qarax yada lagula beegsado.
Dhageyso wararka 7:30- subaxnimo, 1:00 duhurnimo, 7:00 Fiidnimo iyo dhuuxa waraysiyada 9:30 habeenimo adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Fadlan wixii Qalad ah Nagala Soo xariir emailka : radioalfurqaan@hotmail.com
|