Link of pages
www.islammemo.cc
www.aljazeera.net
www.daarulxadiith.com
www. aqsaonline.net
www.addacwah.com
www.alqimmah.net
www.islamweb.net
www.daarulcilmi.com
www.islamway.com


Dagaalo xooggan oo ka dhacay Jubooyinka iyo gedo.
03,Rabiicul Awal 1433, 26,01,2012

Weerarkii ugu horeeyay ee ay Mujaahidiintu qaadeen ayaa waxa uu ka dhacay deegaan ku yaala duleedka degmada Luuq oo lagu magacaabo Kureed halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan dowladda KMG ah oo lagu soo tababaray wadanka Itoobiya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si lama filaan ah uga dul yimid ciidamada la weeraray oo aanan iska jirin dagaalka, sida ay wararku xaqiijinayaana waxaa halkaasi ku geeriyooday in ka badan toban Askari iyo Saraakiishoodii.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku dhaawacmay tiro Ciidamo iyo Saraakiil isugu jirta kuwaasoo loo qaaday dhinaca degmada Doolow.

Saraakiisha ugu caansan ee uu dhaawaca soo gaaray ayaa waxaa kamid ah Xassan Baydhabo iyo Dhagey.

Geesta kale Mujaahidiinta wilaayada Gedo ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar culus ku ekeeyay saldhigyo ku yaala deegaanka Qooqaani halkaasii ay ku sugnaayeen Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG ah.

Weerarka lagu qaaday Kenyaatiga iyo kuwa dowladda KMG ah taabacsan oo in muddo ah socday ayaa la xaqiijinayaa in la isku adeegsaday hubka culud iyo kan fudud, laakin waxaa adag in xog buuxda laga helo khasaaraha ka dhasahy dagaalkaasi sababo la xiriira xilliga oo habeen saq dhexe ahaa iyo dadkii halkaasi ku dhaqnaa oo intooda badan barakacay.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Afhayeenka Ciidamada Kenya oo aan runta looga baran.


Dhageyso wararka 7:30- subaxnimo, 1:00 duhurnimo, 7:00 Fiidnimo iyo dhuuxa waraysiyada 9:30 habeenimo adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.


Fadlan wixii Qalad ah Nagala Soo xariir emailka : radioalfurqaan@live.com

 


 

Copy right © radioalfurqaan.com | All right Reserved.............