Link of pages
www.islammemo.cc
www.aljazeera.net
www.daarulxadiith.com
www. aqsaonline.net
www.addacwah.com
www.alqimmah.net
www.islamweb.net
www.daarulcilmi.com
www.islamway.com


dhagayso:Aqoonyahano dood xiiso badan oo kusaabsan Shidaalka laga Baarayo Putland.
25,Safar 1433, 20,01,2012

Aqoonyahanadan oo kukala sugan gudaha iyo dibadda  islamarkaana  xalay  kaqayb  galay  dood ku saabsan shidaalka maaamulka labaxay  puntland uu sheegay inuu kaqodayo gobolada uuu ka arimiyo  ayaa idilkoodba sheegay inaan haatan suuurta gal ahayn in shidaal laqoda maadaama dalka uusan lahayn dowlad dhexe  oo sidii loo baahnaa uqabata shaqadaasi.

Aqoonyahan Khaliif  Idiris Cusmaan ayaa sheegay in laga horeeyo qodis shidaal loona baahanyahay in dalka uu yeesha sharci iyo hal madaxweyne. 

 
Injineed Idiris Xasan Faarax ayaa isna kamid ahaa aqoonyahanada xalay kaqaybgalay dooda, waxa uun sheegay in dhaqaalaha kasoo baxa dalka ay usiman yihiin islamarkaana loo baahan yahay in dadka oo idil lagaarsiiyo,  wuxuuna intaa kudaray in aanu arintaaa dhacayn maadaama dhaqaalaha kasoo xarooda dekadda boosaaso shacabka halkaasi aan waxba laga siin.


Sidoo kale waxaa kamid ahaa aqoonyahnada suldaan Maxamed suldaan Garyare, wuxuuna ku dheeraaday waxyaabaha loo bahanyahay marka shidaal laqodayo. 


Ugu danbayntiii aqoonyahandan kaqayb galay dooda looga hadlaya qodista shidaalak punt-land waxaa kamid ahaa aqoonyahan c/laaahi cali yirid,  waxa uuna sheegay inaan arintan aysan soo bilaabmin haddda ayna tahay wax horay ujiray.

Dhagayso doodad oo xiiso leh




Dhageyso wararka 7:30- subaxnimo, 1:00 duhurnimo, 7:00 Fiidnimo iyo dhuuxa waraysiyada 9:30 habeenimo adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.


Fadlan wixii Qalad ah Nagala Soo xariir emailka : radioalfurqaan@live.com

 


 

Copy right © radioalfurqaan.com | All right Reserved.............